Sunday, March 23, 2025

Midowga Afrika oo dhex galay xiisadda Itoobiya iyo Masar (Itoobiya oo lagu qanciyay inay dib…)

Midowga Afrika ayaa dhex galay xiisada ka dhex taagan dalalka Itoobiya iyo Masar ee ka dhalatay biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ka dhistay Webiga Nile-ka.

Hogaamiyaasha Sudan, Ethiopia iyo Masar ayaa isku raacay inaysan Ethiopia bilaabin buuxinta biyo xireenka GERD, iyadoo aan heshiis la gaarin muddo labo toddobaad gudahood ah, sidaasina waxaa Jimcihii shaaciyey dalalka Sudan iyo Masar, markii ay dhexdhexaadiyeen Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika.

Ma jiro wax war ah oo arrintan ku aaddan oo si deg deg ah uga soo baxay Addis Ababa, oo iyadu horey u sheegtay in ay bilaabi doonto buuxinta biyo xireenkan weyn ee ay ka dhistay meel 15 km u jirta xadka ay la wadaagto Sudan. Biya xireenkan ayaa laga dhisayaa wabiga Nile ee buluugga ah oo ah isha biyaha ugu badan ee wabiga Nile.

Ad

Arrintan ayaa timid markii Madaxweynaha Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa, oo ah gudoomiyaha Midowga Afrika ee waqtigan ay kulan muuqaal ah ku yeesheen khadka Internet-ka, iyadoo arrinta lagu xailin doono Afrika gudaheeda.

Ra’isal wasaaraha Sudan, Abdalla Hamdok, ayaa sheegay in hogaamiyaashu ay isla garteen in dib loo bilaabo wadahadalladii hakaday isbuucii hore; Waxaana bilaaban doona wadahadallo u dhexeeya guddiyada farsamo ee saddexda dal.

Ethiopia ayaa ku adkeysatay in ay ku buuxin doonto biyo- xireenkan biyaha xilli roobaadka bilaaban doona bisha soo socota, laakin waxaa lagu qanciyey Itoobiya inay joojiso buuxinta biyo-xireenka inta heshiis laga gaarayo. Masar ayaa Dacwad gaarsiisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taasi oo ah tallaabadii ugu dambaysay ee diblomaasiyadeed.

- Advertisement -

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bogaadiyey kaalinta Midowga Afrika ka qaadanayo xalinta khilaafka kala dhaxeeya Masar, wuxuuna soo dhoweeyay tallaabada uu soo jeediyey Midowga Afrika.

15-ka xubnood ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa in ay Isniinta yeeshaan kulan guud, taasoo uu ku baaqay Mareykanku oo taageeraya dalabka ka yimid dalalka Masar iyo Sudan ee ahaa in Golaha Ammaanku uu soo farageliyo is-mariwaaga arrintan ka taagan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON