Midowga Afrika ayaa isla qaatay in isbedel lagu sameeyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomalaiya (AMISOM) iyadoo la ballaarinayo, lagana dhigayo howlgal wadajir ah oo Midowga Afrika iyo Q/Midoobay ka dhaxeeya.
Qorshahan ayaa yimid kadib muddo dheer oo khubaro ka socota Midowga Afrika ay daraasad ku hayeen sii socoshada ama gabagabeyn howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo muddo 15 sano ah sii gaaraya, iyadoo aan guul laga gaarin in dowladda Soomaaliya ay la wareegto Amnigeeda.
Qorshaha cusub oo ay soo jeediyeen Guddi khubaro ayuu ansixiyey Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, wuxuuna ku saabsan yahay in howlgalka AMISOM uu isu bedelo mid wadajir ah oo Midowga Afrika iyo Q/Midoobay ka dhaxeeya, kaasoo ku dhisan Cutubka 7-aad ee Axdiga Q/Midoobay.
Qorshahan oo u baahan inuu ansixiyo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa keeni doona in ciidamo kale ay ka yimaadaan dalal cusub, waxaana arrintan hore u diiday dowladda uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo, laakiin markii danbe ayey ka gaabsatay.
