Midowga Afrika (AU), Midowga Yurub (EU), Urur Goboleedka IGAD, iyo Qaramada Midoobay (UN) ayaa bayaan wadajir u soo saareen ku caddeeyay inay si weyn uga xun yihiin go’aankii madaxda dowlada federaalka ku diideen ergeyga Midowga Afrika usoo magacawday Soomaaliya John Mahama.
Warkan soo baxay aaa ka danbeeyay kulan ay yeesheen Xoghayaha Fulinta ee IGAD Dr. Workneh Gebeyehu; Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga Amb. Bankole Adeoye; Agaasimaha Guud Midowga Yurub u qaabilsan Afrika Amb. Rita Laranjinha; iyo H.E. Rosemary DiCarlo, Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Siyaasadda iyo Nabadeynta, waxayna sheegeen inay si weyn ula socdaan arrimaha Soomaaliya.
Qodobadda ugu muhiimsan War-saxaafadeedka wadajirka ah waxay kala yihiin:
1) Midowga Afrika (AU), Midowga Yurub (EU), Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada (IGAD), iyo Qaramada Midoobay (UN) waxay si dhow ula socdaan xaaladda Soomaaliya.
2) Wadahadalkan kadib, AU, EU, IGAD iyo UN:
a) Waxay ku celinayaan ixtiraamka ay u hayaan madax-bannaanida, midnimada dhuleed, madax-bannaanida siyaasadeed, iyo midnimada Soomaaliya;
b) Waxay xuseen tallaabadii ay qaadeen Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku aaddanaa ka-noqoshada go’aankii 12-kii Abriil, si ay u yaraato xasaradaha ka taagan Soomaaliya;
c) Waxay soo dhaweyneynaa doorkii loo igmaday Ra’isulwasaare Max’ed Xuseen Rooble si uu u hogaamiyo arrimaha amniga iyo Doorashooyinka;
d) Waxay Bogaadinayaan talaabadda degdega ah ee uu qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble xiriir la yeeshay hogaamiyaasha siyaasada iyo bulshada si loo xasiliyo xaaladda amaan ee Muqdisho
e) waxay taageero buuxda u muujiyayaan qabashada Ra’iisul Wasaaraha ee shir madaxeedka si dib loogu bilaabo wadahadalka; Waxayna ugu baaqayaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka inay si daacad ah oo shuruud la’aan ah uga qayb galaan shir madaxeedka; kana shaqeeyaan heshiis la isla oggol yahay oo ku saabsan hirgelinta heshiiskii Sebtember 17, oo ay ku jiraan talooyinkii 16kii Febraayo ee Guddiga Farsamada ee Baydhabo, oo aasaas adag u ah qabsoomidda doorashooyinka dib u dhac la’aan iyo waqti cayiman;
f) Waxay adkeeyeen in shir madaxeedku u taagan yahay fursad muhiim ah oo horay loogu dhaqaajinayo dalka si loo qabto doorasho ku saleysan Heshiiskii Sebtember 17; iyo in la muujiyo baahida loo qabo abuuritaanka hannaan dabagal oo ku habboon si loo joogteeyo hirgelinta natiijooyinka shir madaxeedka;
g) Waxay Dib-u-xaqiijinayaan go’aannadii hore ee ahaa in aan la taageerin geeddi-socod kasta oo is-barbar socda, doorashooyin dhinac wato;
h) Waxaan si weyn dheer uga xumahay go’aankii ka soo baxay hoggaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee lagu diiday Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee Soomaaliya; waxaana hoosta ka xariiqeynaa doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika ee horumarinta nabada iyo amniga Soomaaliya, oo ay ku jirto waxqabadka AMISOM;
i) Waxaan si xoog leh ugu dhiirrigelinayaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay dejiyaan qorshe dhab ah oo lagu hirgelinayo qoondada haweenka ee ugu yaraan 30%, iyadoo la xoojinayo muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda haweenka ee haweenka iyo xoojinta ka qaybgalkooda siyaasadeed;
j) Waxaan adkeyneynaa muhiimada guusha ee shirwaynaha soo socda; waxayna si adag ugu boorineysaa dhamaan hogaamiyaasha Soomaaliyeed inay muhiimada siiyaan oo ay ka qeyb qaataan wadahadalka, is xakameeyaan, kana fogaadaan ficil kasta oo sii xoojinaya xiisadaha ama horseedi kara iska hor imaad.
3) Midowga Afrika, Midowga Yurub, Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyada, iyo Qaramada Midoobay waxay sii wadi doonaan inay si dhow ula socdaan xaaladda Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO