Thursday, June 12, 2025

Mid ka mida la-taliyeyaashii Ra’iisal Wasaare Kheyre oo Shaqadii isaga tegay [Akhriso sababta]

La-taliyihii dhinaca Warfaafinta Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya C/qaadir Maxamed Cashar (Nadaaraha) ayaa la sheegay inuu shaqadii ka tegay isasoo is casilaadiisa uu aqbalay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

C/qaadir Nadaara ayaa la sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay isagoo isku sharxaya kursi xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo bannaan, kaasoo uu banneeyay Agaasimaha hay’dda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen oo doorashadiisa lagu wado inay dhowaan ka dhaco magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa shaegaya in xukuumadda ay ku taageereyso Nadaara inuu noqdo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka si ay u kordhaan xildhibaannada taageersan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Ad

C/qaadir Nadaara ayaa xilka lataliyaha War-faafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay 5tii bishii sideedaad ee 2017.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON