Wararka laga helayo degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in meydka wiil yar laga helay xeebta degmadaasi.
Dadka degaanka ayaa sheegay inay saaka arkeen meydka wiilkan oo Badda kusoo tuftay agagaarka Isbitaalka Keysaney, iyadoo da’diisa lagu sheegay 14 sano jir, waxaana soo sheegay dadka Kaawaleyda ah ee halkaasi ka shaqeysta.
Ma jirto cid aqoonsatay wiilkan, waxaana loo yeeray ciidamada ammaanka degmada oo halkaasi gaaray.
Warar Xul ah