Badweynta India ayaa soo tuftay meydka Wiil yar dhalinyarro ah oo lagu qiyaasay 15 sano jir, kaasoo meydiisa lagu arkay xeebta Liido ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.
Dadweyne badan ayaa isugu tegay meydka Wiilka si ay u aqoonsadaan, balse waxaa la waayey cid aqoonsata, iyadoo Qoyskiisa aysan ka war heynin nolol iyo geeri.
Badda oo aad u kacsaneyd Biihii ugu danbeeyay ayaa dad dhowr ah ku dhinteen, iyadoo digniino laga soo saaray xaaladda halista ah ee Badda.
Dadweyne badan ayaa Khamiista iyo Jimcaha taga xeebta Liido si ay waqti ugu qaataan, waxayna xilliyada Baddu kacsan tahay iska dhega tiraan digniinta loo jeediyo, taasoo keenta inay baddu liqdo.