Saturday, April 19, 2025

Meydka Qof la garan waayey oo lagu arkay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dadweynaha xaafad ka tirsan degmadaasi ay arkeen maydka qof ay garan waayeen, kaasoo ka xirnaa gacmaha iyo qaybaha jirka.

Qofka Meydka ee lagu arkay Xaafada Nageyle ee Degmada Kaaraan ayaa la sheegay in halkaasi la soo dhigay xalay saqdii dhexe. Dadka deegaanka ayaa sheegay ruuxa meydka ah jirkiisa inay ka muuqatay dab la qabadsiiyay oo uu xirxirnaa.

“Maydka meesha ayuu yaalla waana uu xir xiran yahay, meelaha qaar jirka dab ayaa ka muuqda sidii qof in la gubay oo kale ah, ma naqaan cida dishay iyo dadka meesha keenay, haa ciidanka waan u sheegnay waa ay yimaadeen markii ay fiir fiiriyeen maydkana waa ay isaga tageen, korkiisa dhan waa bararsan yahay maydka.” Ayaa laga soo xigtay mid ka mida dadka deegaanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON