Wararka laga helaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaafad ka tirsan degmada Kaaraan lagu arkay saaka Meydka haweeney halkaasi la soo dhigay.
Meydka ayaa la soo dhigay Xaafadda Suuqa Xirka-dheere ee degmada Kaaraan, waxayna dadka degaankaasi sheegeen in jirka qofka haweenka ah ay ku arkeen rasaas ka muuqata oo loo adeegsaday dilkeeda, iyadoo xilligii danbe ee xalay la dhigay Xaaafadaasi.
Ciidamada Booliska degmada Kaaraan ayaa gaaray goobtaasi, iyagoo qaaday si ay baaritaan ugu sameeyaan, waxayna arrintan cabsi ka dhalisay xaafadaasi oo warar kala duwan la iska dhex maray.
Dadka qaarkodo ayaa aqoonsaday meydka iyagoo sheegay inay ka mid aheyd ganacsatada Suuqa Xirka dheere, balse aanay ogeyn cidda dishay iyo sababta loo dilay.