Thursday, April 24, 2025

Meydka Qof Haween ah oo laga helay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho iyo baaritaan lagu…

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in meydka qof haweeney ah laga helay xaafadda Buulo-maaxay ee degmada Kaaraan.

Qofka Meydka ah oo warar kala duwan kasoo baxeen ayaa la sheegay in saaka aroortii laga helay wado dhinaceeda, waxayna goobta tegay ciidamada Booliska, iyadoo meydka haweeneydan laga qaaday oo muddo meydkeedu yaallay.

Dadka ehelka u ah ayaa sheegay inay qoftan ahayd hooyo 3 caruur ah leh oo dhimirka ka xanuunsaneyd iyadoo la weysanaa muddo 24 maalmood ah, kadibna maanta meydkeeda laga helay Guri aan la deganeyn oo cidlo ah.

Qaabka loo dilay ayaan la oeyn, waxaana jirkeeda lagu arkay duleelo aan la ogaan waxa dhaliyey, waxaana maanta la aasay meydkeeda markii ay fasaxeen ciidamada Booliska.

WARARKII UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu danbeeyay