Sunday, May 25, 2025

Meydka qof haween ah oo la soo dhigay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in meyda qof dumar laga helay saaka meel u dhow Buundada Labaad ee degmada Waaberi.

Meydkan ayaa la sheegay inuu ahaa qof haweeney ah oo halkaasi la soo dhigay iyadoo aan la ogeyn cidda dishay iyo sababta geerideeda.

Dadka degana xaafadda ayaa aroortii saaka ku soo toosay qofka meydka oo ay sheegeen in la keenay xaafadda iyadoo meyd ah.

Ad

Guddoomiyaha Degmada Waaberi ayaa sheegay inuusan jirin wax meyd ah oo la arkay, balse waxa la arkay ay yihiin oo qura Dhiig Wadada yaalla, arrintaas oo baaritaan ay ku wadaan sida uu yiri.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON