Dadka degmada Shangaani ayaa saaka xeebta Curuba ku arkay meydka nin la sheegay inay baddu soo tuftay.
Meydka ninkan oo aan la aqoosnan ayaa yaallay xeebta u dhaxeysa Hotelkii Curuba iyo Sugunto Liido, dadkii isugu soo baxay goobta ayaa aqoonsan waayay iyadoo lagu wargeliyay maamulka degmada.
Meydka ninka ayaa da’diisa lagu qiyaasay in ka badan 50 sano jir, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in meydka ninkan la soo dhigay xeebta.
Ad
Ciidamada ammaanka ayaa halkaas gaaray iyadoo baaritaan lagu sameynayo qofka meydka ah ee laga helay Xeebta Curuba.
Goobjooge.com
Warar Xul ah