Friday, March 28, 2025

Meydka Nin iyo Haweeney laga helay iyagoo 3 Maalmood ku xirnaa Gaari Bulletproof ah

Meydka Nin haweeney isbedelay oola sheegay oo hore isu qabeen ayaa laga dhex helay, iyagoo ku xiran Gudaha Gaari nooca aanay xabbadu karin, kadib markii la la’aa muddo saddex maalmood ah.

Arrintan ayaa ka dhacday agagaarka Xabsiga Godka Jilacow, degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, waxaana la ogaaday markii dadka ku dhow Garaashka uu baabuurka ku jiray ay dareemeen urta meydadkaasi oo xaafadda ku baahay.

Wararka la helay ayaa sheegaya in labada marxuum lagu kala magacaabo Abuukar Yuusuf Ibraahim iyo Xamid C/qaadir Cabdulle, waxayna ahaayeen dadka kaliya ee Garaashka ku sugnaa markii la tegay.

Ad

Marxuum Ninka dhintay ee Abuukar Yuusuf Ibraahim ayaa ayaa la sheegay inuu ahaa Darwalka Xoghayihii hore ee Xafiiska Reysul Wasaaraha Maxamad Abuukar Subeyr, Gaariga uu ku dhintayna uu yahay midkii uu wadi jiray.

Aabaha dhalay Haweeneyda geeriyootay ayaa sheegay inay kala tageen ninka ay hadda wada dhinteen, iyadoo uu ka dhintay wiil ay u dhashay, Balse ay hadda u dhaxday nin kale askari ah.

Lama oga sababta dhabta ah ee geerida labadan qof, waxaana goobta tegay ciidamada denbi baarista Booliska oo kiiska la wareegay, waxayna dadka ehelka la ah labada marxuum sheegeen inay muddo 3 maalmood la’aayeen oo aanay ogeyn sida wax u dhaceen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON