Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu ka jeediyay shir madaxeedkii Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa, Itoobiya, 18 Febraayo, 2023, wuxuu uga faaleeyay waxa ay uga dhigan tahay in mar kale Madaxweyne loo doorto Soomaaliya.
Wuxuu hordhaca khudbadiisa uga hadaly tilmaamo uu leeyahay iyo xaaladda uu wajahayo, isagoo sheegay inuu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo lagu doortay doorasho dhowaan ka dhacday Soomaaliya.
“Mudnaan gaar ah ayay ii tahay inaan noqdo madaxweynihii ugu horreeyey taariikhda Soomaaliya ee labo jeer loo doortay inuu u khidmeeyo qarankiisa. Waxay arrintan iiga dhigan tahay xurmad iyo fursad gaar ah oo aan ku qaabayn karo isla markaasna aan Soomaaliya iyo dadkeenna ku gaarsiin karno mustaqbal wanaagsan, waana sababta aan markii horeba u go’aansaday inaan u tartamo xilkan culus”. ayaa ka mid ahayd khudbadda Xasan Sheekh oo sii raaciyey:.
“Dhab ahaantii, ma jirto sharaf ka wayn inuu qof u adeego qarankiisa, xil kasta ha qabtee, aniga, ka Madaxweyne ahaan, waxaan ahay adeege u khidmaynaya shacab ku sifoobay adkaysi, deeqsinnimo iyo hal-abuur balse maanta wajahaya caqabado badan oo is biirsaday. Sidaas oo ay tahay, waxaan nahay kuwo rajadooda fiican tahay oo rumaysan in wadajir, shaqo adag iyo ballanqaad siyaasadeed oo dhab ah, Soomaaliya ay ka guulaysan doonto caqabad kasta. Tani waa rejada aan ku seexdo habeen kasta, ku riyoodo xilliga hurdada kuna soo tooso subax allaale”.”
“Ka Madaxweyne ahaan, ahdaaftaydu waa kuwo qayaxan: Inaan ka guulaysanno argagixisada caalamiga ah, xoojinno siyaasad loo dhan yahay, kobcinno dhaqaalaha, isla markaasna adeegyada aasaasiga ah gaarsiinno dadkeenna u qalma in loo adeego”.
