Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ka qaaday Mahad Maxamed Salaad, iyadoo Golaha Wasiirada ay goor dhoweyd ansixiyeen agaasimaha cusub ee madaxweynuhu soo magacaabay.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ansixiyey soo in Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), kadib markii ay u soo jeedisay Wasaaradda Amniga.
Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa hore u soo qabtay xilka NISA laba jeer, waxaana mar kasta uu ku lug yeeshay khilaafyo siyaasadeed oo keenay xil ka qaadistiisa.
Mahad Salaad oo muddo 2 sano ku dhow xilka NISA hayay ayaa ahaa siyaasi aad ugu dhow Madxweyne Xasan Sheekh, iyadoo intii uu xilka hayay horumar laga sameeyay amniga Muqdisho, balse lagu guul darreysay in laga hortago weeraradii Alshabaab ee caasiamdda.
Qoraal mahadcelin ah oo uu soo saaray agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad ayuu ku sheegay inuu sida ugu sareysa uga soo shaqeeyay intii uu ahaa agaasimaha Hay’adda NISA.