Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada ayaa dhaliil iyo digniin u jeediyay xubnaha Golaha Wasiirada xukuumadda Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre.
Madaxweynaha oo ka soo laabtay socdaal laba toddobad qaatay oo uu ku joogay dalka Imaaraadka iyo booqashooyin uu ku tegay dalalka Belguim iyo Sacuudiga ayaa shirkii maanta ee Golaha Wasiirada oo an caadi ahayn ku dhaliila wasiirada inay kasoo bixi waayeen xilkooda iyo shaqadii laga rabay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xubnaha Golaha Wasiiarada si adag ula hadlay, isagoo ugu hanjabay inay bedelayaan haddii aysan kasoo bixin shaqadooda, siiba hirgelinta go’aanadii Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka iyo Dhammeystirka Dastuurka.
Xasan Sheekh ayaa Golaha Wasiirada u sheegay inay ka gaabiyen saameyn ay ku yeeshaan Baarlamaanka Federaalka, isagoo wasiir kasta ka dalbay inuu la yimaado taageerada xildhibannada Beeshiisa.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo kalfadhiga Golaha shacabka ee Barlamaanka inuu marsiiyo qorshihiisa Wax ka bedelka Dastuurka iyo ansixinta Doorashada labada Xisbi ee uu u ololeynayo.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulankiisa uu ahaa mid degdeg ah oo ka duwan shirarkiisii caadiga ahaa, iyadoo sidoo kale looga hadlay Qasaaraha a dhalatay roobabka ee ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.
Sidoo kale waxaa shirka Golaha Wasiirada ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo la sheegay inuu Golaha Warbixin ka siiyay saameynta roobabku ku yeesheen gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa kulanka lagu meelmariyey Xeer-nidaamiyaha Nidaamka Xaqiijinta Macaamilaadka Maaliyadeed iyo Hubinta Tayada Isgaarsiinta.