Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay danjireyaasha iyo wakiillada Beesha Caalamka ee ka howlgala dalkeenna ayaa kala hadlay in Soomaaliya.
Kulankan ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomalaiya inuu ujeedkiisu ahaa sidii taageero loogu heli lahaa Go’aamada Golaha Wadatashiga Qaranka si loo hirgaliyo hannaan doorasho oo ku dhisan matalaadda dadweynaha oo ay ku jireen qodobo u baahan in Dastuurka wax laga bedelo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Safiirkada iyo Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay ahmiyadda ay Shacabka iyo dowladdaba u leedahay xaqiijinta qorshaha sannadka 2024 ee ku aaddan meelmarinta go’aamada masiirigaa ahaa oo ku saleysan in awoodda dib loogu celiyo shacabka, sida lagu yiri qoraalka Madaxtooyada.
“Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midowga yurub iyo Midowga Afrika ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka khawaarijta Al Shabaab”, iyagoo Sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab taaganyahiin qorsheyaasha mudnaanta u leh Xukuumadda ee amniga, nabadda, xasilloonida iyo meelmarinta go’aamadii Golaha Watashiga Qaran”.


