Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka degay magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada Gole.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay inuu casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdicasiis, isla markaana ay ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.
Wakaalada Wararka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dalkaasi u tegay inuu guto Cumrada, ayna Garoonka caalamiga ah Boqor C/casiis kusoo dhoweeyeen Amiirka Gobolka Maka iyo Xoghayaha magaalad Jiddah.