Monday, October 2, 2023

MD Xasan Sheekh oo tegay Goobtii Qaraxa. “Boqol Qof in ka badan ayaa ku dhintay, 300 kalena..”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay saqdii dhexe kadib tegay isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho oo laba qarax oo waaweyn ay ka dhaceen shalay, qasaare xoog lehna uu ka dhashay.

Madaxweynaha oo kormeeday burburka dhismayaasha ku dhacay ayaa sheegay in weerarka bahalnimada ah uu sababay dhimashada tobonnaan qof oo ku tukanayey masaajidkan, taas oo ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee laga diiwaan geliyey.

Wuxuu sheegay inay Qaraxyada ku dhinteen dad ka badan 100 ruux, ayna ku dhaawacmeen 300 kale, isagoo rajo ka muujiyey ineysan soo laaban qaraxyo kale oo bisha Oktoobar dhaca, dalkana ay ka socdaan dagaallo lagula jiro Alshabaab.

Ad

“Dadkeennaan la xasuuqay ee birma geydada ah, waxaa ku jiray hooyooyin ilmahooda dhabta ku haysta, aabeyaal xaalad caafimaad u socday, arday waxbarasho loo soo diray, ganacsato la daalaa-dhacaysay nolosha qoysaskooda, macallimiin iyo dhakhaatiir u adeegayey dadkooda. Qofka intaas xasuuqay, maxay tahay qiilka uu u haysto, diinta uu daliishanayo iyo dadnimada uu sheegan karo”. ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray Xukuumadda in gurmad caafimaad oo degdega u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murugeysan xaaladdan adag.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadan argagixiso, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay inoo ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

- Advertisement -

Madaxweynaha waxaa la soday wasiirada Amniga iyo waxbarashada xukuumadda federaalka, waxaa kaloo kormeerka ku wehliyey taliyaha ciidamada booliska iyo saraakiil sare.

Sidoo kale, Madaxweyne Sheekh ayaa sheegay in dowladdu ay waxbarasho bilaash ah siineyso dhammaan ubadka Soomaaliyeed ee waalidiintooda ay ku shahiideen qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!