Tuesday, December 3, 2024

MD. Xasan Sheekh oo socdaal ku maray magaalooyin ku yaala Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta socdaal ku maray magaalooyin ka mida Gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug oo uu ka sameeyay abaabul dagaal oo ka dhan ah Alshabaab.

Madaxweynaha oo ay la socdeen Wasiiro iyo xildhibaanno ayaa socdaalkiisa ka bilaabay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, isagoo halkaasi kula hadlay dadweyne iyo ciidamada degaanadaasi, kuna booriyay in degaanadooda ka xoreeyaan Alshabaab.

Dadka Reer Maxaas ayuu u sheegay rajada uu ka qabo in safarka danbe uu ku yimaado Gaari uu kasoo qatay magaalada Beledweyne, marka dalka laga xoreeyo Alshabaab.

Ad

Degmada Maxaas ayuu dad isugu soo baxay u sheegay inay ka qeyb qaataan dagaalka Alshabaab, dadaal kasta oo horumar ahna uu ku xiran yahay in dalka laga xoreeyo Alshabaab, wuxuuna u mahad celiyay dadka Degmada Maxaas inay iska difaaceen, degaankoodana ka xoreeyeen Alsahbaab.

“Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayey qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarrada qaldan iyo addoonsiga Khawaarijta isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri degmada Baxdo.

Madaxweynaha oo ka hadlayey Degaanka Wisil ayaa sheegay in dadka degaanka ay leeyihiin awood ka badan Alshabaab oo dhan haddii la isku daro, liina baahan yahay inay degmada Xarardheere ka xoreeyaan Khawaarijta Alshabaab iyo degaanada kale.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu tago degmada Beledweyne, halkaas oo la filayo inay isku arkaan madaxweynaha Hirshabrelle oo maanta gaaray halkaasi, iyadoo laga wadahadli doono dardar gelinta dagaalka Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON