Wednesday, July 17, 2024

MD. Xasan Sheekh oo shaaciyay sababta Turkiga uga duwan tahay dalalka taageera Somaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u bogaadiyay kaalinta Turkiga ka qaadanayo dib u dhiska Dowladnimada Soomaaliyo iyo ciidamada Qalabka sida.

Isagoo maanta tababar u soo gabagabeeyay Dufcaddii 6-aad ee Layli Saraakiil oo maanta ka qalin jabiyey kulliyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Turkisom.ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in Turkiga uu Soomaaliya garab istaagay markii ay ugu baahida badneyd.

Madaxweynaha wuxuu si gaara xusay Madaxweynaha Turkiga Erdogan inuu yahay walaal Soomaaliyeed, dowladda Turkigana uga duwan yahay dalalka kale oo dhan, isla markaana taageerada Turkiga aysan wax shuruud ah ku xirneyn sida dalalka kale.

Ad

“Turkiga maalintii aan difaac u baahneyn waxay nagu garab istaageen Aqoon, Qalab -ciidan-, Goobta dagaalka ayey nala galeen, waa walaalo naga mudan mahadcelin iyo sharaf maalin uun waan u abaalgudi doonnaa dalka Turkiga’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON