Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhoofay dalka Imaaraadka Carabta oo uu muddo laba toddobaad ah uu ku sugnaa, isagoo ku maray qalliin caafimaad.
Warbaahinta dowladda ayaa markii ugu horeysay Madaxtooyada kasoo xigatay inuu booqasho shaqo ku joogay magaalada Abu Dhabi, halkaasina uu ku galay qaliin Garabka looga sameeyay, kaasoo uu ka bogsadey.
Madaxweynaha ayaa ka dhoogay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, isagoo gaaray Riyadh ee dalka Sacuudiga, halkaasoo uu uga qeybgeli doono shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa waxaa ka muuqday qalliinka lagu sameeyay, waxaana u xirnaa garabka iyo gacanta Bidix markii uu ka degay Garoonka magaalada Riyaad, waxaana la socday wafdi kooban.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisa Imaaraadka uu ahaa mid qarsoodi ah, waxaana hore u baxay wararka sheegaya in qalliin lagu sameeyay. Imaaradka ayaa saaxiibka ugu dhow dowladda Xasan Sheekh, waana dalka uu badan ee uu tegay intii uu xafiiska joogay.