Xoghayaha Difaaca dalja Mareykanka Lloyd J. Austin ayaa markii labaad xarunta Gaashaandhigga Pentagon-ka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan Sheekh oo dalka Mareykanka ku sugan ayaa olole ugu jira sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraadda Hubka ee saaran Soomaaliya, isagoo ka qeyb geli doona shirka Golah Amaniga Qaramada Midoobay ee maanta.
Lloyd Austin ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku ammaanay horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah. “Muddadani waxay si gaar ah muhiim u noqon doontaa marka la eego colaadaha socda – oo ay ku jiraan xasillooni darrada ka jirta Suudaan – iyo khatarta joogtada ah ee al-Shabaab,” ayuu yiri xoghaye Austin.
“Waxaa igu dhiiri galiyay in aan maqlo guulaha sii socda ee laga gaarayo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bartamaha Soomaaliya oo ay hormuud ka tahay Soomaaliya. Iskaashigeenna ku aaddan howlgalladan waa mid muhiim ah, waxaana diyaar u nahay inaan idin garab istaagno sidii aad isaga difaaci lahaydeen xoogagga khatar ah oo rabshado wata.” ayuu u sheegay Austin madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Austin kaalmada iyo taageerada uu Mareykanku Soomaaliya siinayay in ka badan 30 sano.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo dowladda Mareykanka kaalmada ay siiso shacabka Soomaaliyeed dagaalka aan kula jirno Al-shabaab,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay Austin.
Madaxweynaha Somaaliya ayaa xarunta Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka sidan oo kale tegay 15-kii September 2023 oo ahayd markii ugu horeysay ee uu halkaasi tago.