Sunday, December 3, 2023

MD. Xasan Sheekh oo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenadii G/Banaadir (Akhriso)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ku dhawaaqay magacaabista Guddoomiye ku xigeenada iyo Xoghayaha guud ee Gobolka banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in iyadoo la tixraacayo soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta uu Madaxweynaha magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:

Ad

1- Ciise Maxamuud Guure Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda

2- Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga

3- C/Casiis Cismaan Maxamed Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada

- Advertisement -

4- Xasan Maxamed Jimcaale Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud

5- iyo Faysal Carraale Afrax Xoghayaha Guud.

Xeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo Dowladda Hoose ay hoos yimadaan Madaxtooyada J.F.S.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiye ku-xigeennada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Axad, 20-ka Nofeembar, 2022.

- Advertisement -

Muddo lix bilood ah ayey ku qaadatay madaxweyne Xasan Sheekh inuu magacaabo Guddoomiye ku xigeenadan oo hore loo ogaa, halka Guddoomiyah Gobolka ay magacaabistiisa ku qaadatay muddo 4 bilood ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON