Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee casimadda Galmudug, kadib muddo bil ka badan oo uu ka maqnaa.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay inuu halkaas ka hoggaamin doono dhammeystirka dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta alshaabaab ee ka socda deegaannada Galmudug’.
Waxaa madaxweynaha garoonka Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo shacabka magaaladaas.
Dibu ugu laabashada Dhuusamareeb ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaaneysa iyadoo la filayay inuu socdaal ugu dhoofo dalka Masar oo uu casuumadan ka helay madaxweynaha dalkaasi, sidoo kal waxaa qorsheysan inuu ka qeyb galo shir madaxeedka IGAD ee aa caadiga ahayn ee ka dhici doona dalka Uganda.
Madaxweynaha Soomaaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sannadkii lasoo dhaafay saldhig ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ayaa hoggaaminayay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, dagaalkaasi oo muddooyinkii danbe gaabis noqday.