Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 1-aad ee labadda Gole Baarlamaan Federaalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh oo khdubad dheer ka dheer u jeediyey xildhibaannada ayaa sheegay inuu ku laabanayo furimaha dagaalka si loo xoojiyo dagaalka dowladdu ku qaaday kooxaha khawaarijta Alshabaab oo uu sheegay in laga xoreeyay dhul ka weyn dalalka caalamka qaarkood.
Madaxweynaha ayaa xoojiyay ololihiisa wax ka bedelka Dastuurka, isagoo sheega in la joogo wakhtigii uu qabyada ka bixi lahaa lana dhamaystiri lahaa Dastuurka dalka 12 sano kadib, wuxuuna Baarlamaanka ugu baaqay inay ansixiyaan, kana doodaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Briga Afrika EAC lagu dhawaaqay, wuxuuna shaaciyay in dhammaadka Bisha December Soomaaliya ku guulaysan doonto in laga qaado Cuno qabatayntii Hubka, isla markaana dhammaan si dhamaystiran looga cafin doono Soomaaliya Deyntii lagu lahaa.