Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa Aadan yabaal kusoo dhoweeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka iyo shacabka degaankaasi.
Wafdiga madaxweyaha waxaa ka mida Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur, taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo si weyn loo adkeeyay Amniga degaanada uu u safray Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo wejiga labaad ee dagaalka Alshabaab oo mar kale ciidamada dowladda iyo xoogagga degaanka ay ku qaadayaan degaanada ay Alshabaab uga harsan yihiin Hirshabeelle iyo Galmudug.