Monday, September 9, 2024

MD. Xasan Sheekh oo ka hadlay Dagaalkii Cows-weyne, una digay Saraakiil iyo..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad toos ah oo uu jeediyay uga hadlay Dagaalka Al-Shabaab, isagoo ku adkeystay inuu sii soconayo dagaalka ilaa laga gaaro guusha kama-dambaysta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Cawsaweyne, wuxuuna uu sheegay in tirada ciidanka uga dhimatay ay ka yar tahay inta ay sheegteen ururka al-Shabab, balse ma sheegin tirada saxda ah ee ciidanka dawladda uga dhintay dagaalk Cawsweyne.

“Xogta dhabta ah ee Cawsweyne waxay kusoo ururtay Shabaabka nambarka ciidanka waa ka dilnay ay yiraahdeen inuu been yahay. Waxay kusoo ururrtay boqol iyo sagaashan xabaalo wadareed inay dadkoodii dhintay ku duugteen” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweynaha.

Ad

Madaxweynaha ayaa sheegay in sawirrada ay al-Shabaab baahiyeen ay ahaayeen kuwo ay “isku soo kabkabeen” sida uu hadalka uu yiri. Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu sheegay in haddii qaladaad dhaceen la sixi doono.

Wuxuu kaloo ka hadlay la xisaabtanka ciidanka iyo kuwa khiyaanada sameeyay: “Waxaa la joogaa waqtigii geesiyaasha mudan in la abaalmariyana la abaalmarin lahaa, waxaa la joogaa waqti kuwa awoodda ciidan ee la siiyey ku takri falay, khiyaanada sameeyey, dadka mar-dabdabeeyey waagii lala xisaabtami lahaa billowgeedii waa la joogaa, dowladnimo waa isla xisaabtan,” ayuu si cad u yiri.

Madaxweynaha ayaa mar kale yiri”: “Dagaalku waa soconayaa, ma istaagaayo, meelaha aan joogno kasoo noqon mayno, horey ayaan u soconaynaa, guusha kama dambaysta ah oo aan raadinayno ayaaa gaaraynaa, guusha kama-dambaysta waa soo dhowdahay”.

- Advertisement -

Wuxu ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidamada dawladda, kuna taageeraan dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON