Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada Kambala ee dalkan Uganda, halkaasoo la sheegay inuu tababar ugu soo xirayo Ciidamada cusub oo dowladda Soomaaliya loogu tababarray dalkaasi.
Ciidamadan cusub ayaa ka mida qorshe ay dowladda Soomaaliya 12000 askari oo cusub ku tababareyso, waxaana ciidamadan la filayaa inay kusoo noqdaan dalka maalmaha soo socda.
Waxaa la filayaa inuu Madaxweynaha la kulmo Ciidamada Xoogga Dalka ee lagu tababaray dalka Uganda, isagoo kala hadli doono howlgallada socda ee dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.