Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf inay noqoto Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo-Galootiga.
Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo raacaya Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG inuu Ergayga cusub magacaabay, iyadoo aqoon iyo khibrad wanaagsan u leedahay ilaalinta arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga.
“Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ergeyga cusub ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo-Galootiga dardargelinta dhammaan howlaha muhiimka u ah ka jawaabidda baahiyaha carruurta Soomaaliyeed iyo Xuquuqda Soo-Galootiga”, iyadoo diiradda la saarayo qorsheyaasha Qaran ee ku saleysan ilaalinta Carruurta iyo xuquuqdooda aas-aasigaa”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si wada magacaabidda ergo iyo la-taliyeyaashii ugu badnaa e uu yeesho madaxweyne xilka haya, waxaana dhaqaalahe badan looga qoondeeyya miisaaniyadda dowladda ee 2023.
Ergeyga cusub ayaa xilkan soo heysay tan iyo snaakii 2015 oo ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid magacaabay, waxayna ahayd madaxa ururka IIDA ee NGO-ga ah oo weli ay raad ku leedahay.