Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto uu ku aasaasyo Sanduuq Qaran oo ku cusub Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabo “Sanduuqa Qaran ee Cimilada’.
Wareegtada madaxweynaha ayaa lagu sheegay iyadoo laga duulayo dib u habaynta iyo horumarinta qorshaha qaran ee isbeddelka cimilada ayaa Xeer Madaxweyne LR.235, lagu dhisay Sanduuqa Qaran ee Cimilada.
Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Liibaan Daahir Obsiiye oo khibrad durugsan u leh siyaasadda Maaliyadda in uu noqdo Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaran ee Cimilada, sida lagu yiri qoraalka Madaxtooyada faafisay.
Sanduuqan oo wax ka qaban doona Isbeddelka cimilada ayaa ka koobnaan doona labo heer oo kala ah; Heerka Guddiga Maamulka Sare iyo Heerka Fulinta.