Waxaa maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ka socda abaabulka dagaal ka dhan ah Alshabaab oo lagu kala sheegay dhammeystirka wejigii koowaad iyo bilaabidda wejiga labaad ee dagaalkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliyae Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo toddobaad ku dhow hadda ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaasoo la sheegay inuu fariisin ka dhigtay, isagoo ku dhex jira ololaha dagaalka Alshabaab.
Dawladda Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay inay ku jirto qaban-qaabada dagaal Al-Shabaab looga xoreeyo degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee maamulka Galmudug, laakiin waxaa muddo qaatay qabanqaabada dagaalka, iyado wejigii koowaad uu hakaday.
Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyidiin ayaa shalay la kulmay madaxa hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya Danjire Souef Mohamed El-Amine iyo taliyaha ciidamada ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding, iyaga oo ka wadahadla wajiga labaad ee soo socda.
Maleeshiyada degaanka ee loo yaqaan ‘Macaawisleyda’ oo qeyb weyn ka qaatay dagaalkii wejigii hore ayaa abaabul weyn lagu bilaabay, iyadoo dadka deegaanada Galmudug, sida Guriceel lagu soo bandhigay maleesiyo fara badan oo loo diyaariyay dagaal.
Dhianca kale Maxamed Coloow Maxamed (Mascuud) ayaa la sheegay inuu isku soo dhiibay guutada Khaalid binu waliid ee Ciidanka xoogga dalka.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ninkan uu ka mid ahaa Khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa deeganada miyiga ah ee gobolada Galgaduud.