Friday, March 21, 2025

Max’ud Sayid oo farriin culus u diray Madaxweyne Farmajo. “Maxaad Shaatiga Dowladnimada umaddan ugu baabi’ineysaa?

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay xaaladda Gobolka Gedo, isagoo baaqyo u kala diray beesha caalamka, labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Isagoo ka hadlayey xuduudka degmada Buulo-xaawo ee Gobolka Gedo ayuu ku eedeeyay dowaladda Soomaaliya inay khalkhal amni, iyo mid bani’daam ka abuurtay Gobolka Gedo oo ciidamo badan ku soo daabusgay, taasoo abuurtay xaalad colaadeed iyo dhibaato nololeed oo ka taagan Gobolkaasi.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay nin dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay iska horkeenka dadka Gobolka Gedo, iyadoo cunaqabateyn saartay Gobolka laga bilaabo 28-kii Janaayo 2020 oo aanay wax diyaarad ah tegin degaanada Gobolka Gedo, isla markaana ay ka guureen hay’adihii samafalka, isbitaaladiina ay xirmeen.

Ad

“Waxaa la yaabka leh ee ka socda… diyaaradaha aad kusoo gureyso ciidamada aad Xamar ka keeneyso iyadoo Jasiira Ashabaab joogto oo Xamar iyo Afgooye dhexdooda la isu socon karin maxay yihiin… Waa maxay sababta aad ammaankii Gedo khalkhalka u gelineyso..?. waa maxay sababta aad shaatiga Dowladnimada aad umaddan ugu baabi’ineyso..?” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo si toos ah ula hadlay Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu Baaq u diray labada gole ee Baarlamaanka, waxgaradka iyo Beesha caalamka, isagoo ugu baaqay inay xaaladda ka tagaan Gobolka Gedo dib u eegaan.. ayna arkaan qarankii oo la isku burburinayo iyo ciidamadii loogu talogalay dagaalka Alshabaab oo dhexdooda colaad laga abuurayo..”

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON