Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka ka biloday dhagaysiga Kiiska Dacwad loo haysto Sheegow Axmed Cali iyo Dabley ilaaladiisa ahaa oo dagaal la galay ciidanka amaanka 19-kii bishii August ee sanadkan 2023.
Ciidamo badan ayaa la geeyay xarunta maxkamadda iyo agagaarkeeda, waxayna dacwaddu ku bilaabatay Eedeynta Xeer ilaalinta, iyadoo kadibna su’aalo la weydiiyay markhaartiyeyaal goobta la keenay oo ay ku jiraan taliyeyaal ciidan.
Xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa Sheegow Axmed Cali kusoo oogay eedo ay ka mid yihiin: Dil, dhaawac, falal burcadnimo oo ciidamadiisa ay geysteen iyo Lacag dhaqid.
Fadhiga Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada oo maanta oo dhan socda ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay Maxkamaddu qaado, waxayna Qareenada u doodaya su’aalo adag weydiiyeen markhaatiyeyaasha iyagoo ka jawaabay eedaha xafiiska Xeer ilaalinta.
Dagaalkii Sheegow iyo ciidamada Amniga waxaa ku dhintay 3 qof oo midkood ka tirsanaa ciidamada ammaanka, halka labada kale ay ahaayeen wiil uu dhalay iyo mid uu adeer. yahay Shegow, waxaa sidoo kale ku dhaawacmeen 9 kale.
Sheegow waxaa kiiskan ku wehliya 25 qof oo ciidamo ah, waxaana la filayaa in dacwadda oo dhinacyo badan leh. aymuddo qaadato.