Waxaa maanta Maxkamadda Gobolka Banaadir maanta la hor geeyay Ragga ku eedeysan kiiska Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo 11-kii bishan lagu kufsaday, laguna dilay Hotel ku yaalla caasimadda Muqdisho.
Kiiskan ayaa loo heystaa 7 qof oo uu ku jiro wiil laga soo xitay magaalada Cadaado oo ahaa qofkii balamiyey ee Hotelka geeyay gabadha, waxaa kaloo ku jira maamulka iyo shaqaalah Hotelka, iyadoo ay maxkamdda ku sugan yihiin saraakiil iyo xildhibaano ay ehel yihiin Marxuumad Xamdi.
Mas’uuliyiinta xarunta Maxkamada ku sugan waxaa ka mida Xildhibaan Naciima Maxamed Gacal iyo Xildhibaan Xasan Macalin iyo ehelka Xamdi oo ay wehliyaan ehelka dadka loo heysto kiiskan.
Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho goor dhow ka dhacay Bannaanbax ay soo abaabuleen ehelada iyo saaxiibada marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo lagu dalbanayo inay cadaalad hesho.
Qoyska Marxuumad Xamdi ayaa walaac ka muujiyey sida loo wado kiiskeeda, waxayna caddeeyeen inay shaki weyn ka qabaan faragelin ay ku hayaan mas’uuliyiin sare iyo isbedel lagu sameeyay baareyaasha kiiska.