Waxaa si rasmi ah Maxkamadda Gobolka Banaadir uga bilaabatay dacwad qaadista Kiiska Musuqa oo ay ku eedeysan yihiin agaasimeyaashii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.
Agaasimeyaashii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi, C/qaadir Cilmi Cali (Cabdul), Madixii Waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Muxidiin Xasan Juris (Saabey) iyo mas’uuiiyiin kale oo ka tirsan Bankiga Dhexe, Wasaaradda Maaliyadda iyo Hanti dhowrka oo maqaneyaal ah ayaa ka mid ahaa dadka eedahooda la dhageystay iyadoo qareemo loo qabtay ay difaacayeen.
Xeer ilaalinta Qaranka ayaa mas’uuliyiintan kusoo eedeyay denbiyo ay ka mid yihiin; Lunsasho hanti Dadweyne, Musuqmaasuq iyo Lacag dhaqid, waxaana Maxkamadda horteeda eedaha looga soo jeediyay inay lunsadeen lacago malaayiin dollar ah.
Fadhigii Maxkamadda ee maanta ayaa lasoo gabagabeeyay, kadib wareysiyo ay Xeer ilaalinta iyo Qareenada Difaacaya eedeysanayaasha la yeesheen Baaraha Xafiiska Hanti dhowrka guud, waxaana sii socon doona kiiska oo 11 eedeysane oo u badan mas’uuliyiin dacwad musuqa ku socoto.