Sunday, February 16, 2025

Maxkamaddda Cadaallada ICJ oo Israel ku Amartay inay Degdeg u joojiso Dagaalka Rafah

Maxkamadda Cadaalladda Adduuunka ee Qaramada Midoobay ICJ ayaa goor dhoweyd soo saartay Go’aan ay ku Amartay Israa’iil inay si degdega u joojiso hawlgallada milatari ee ay ka waddo koonfurta Qaza ee Rafah.

Amarkan ayaa yimid, kadib dacwad bilo qaadatay oo dowladda Koonfur Afrika ay u gudbisay Maxkamadda ICJ, waxaana la filayaa inay Israa’iil ka hor timaado amarka, siina wado duqeynta iyo dgaalka ay ka wado Marinka Gaza, gaar ahaan Magaalada Rafah.

Waxaa si weyn u soo korortay eedeynta loo jeedinayo nidaamka Yuhuudda oo dunida go’doon kasii noqonaya, kadib dagaalka Gaza oo ay ku dishay in ka badan 34,000 Falstiiniyiin ah, kuna dhaawacay 75,000 o kale.

Ad

Toddobaadkan oo keliya, saddex waddan oo Yurub ka tirsan ayaa ku dhawaaqay inay aqoonsadeen dawladda Falastiin. Sidoo kale Dacwad oogaha maxkamadda denbiyada dagaalka ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in Amar soo qabasho loo jaro hoggaamiyeyaasha Israa’iil.

Go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ ayaa sii xoojinaya culeyska caalamiga ah ee la saarayo Israa’iil, balse ma muuqato in Yuhuudda oo taageero ka heleysa Mareykanka ay u hoggaansami doonto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON