Tuesday, September 10, 2024

Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo fasaxday Xog uu sanado badan qarinayey Donald Trump

Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayaa fasaxday in dukumintiyada canshuur-celinta madaxweynihi hore Donald Trump lagu wareejiyo guddi ka tirsan Aqalka Wakiillada si ay baaritaan ugu sameeyaan. 

Arrintan ayaa muddo 10 sano ah dood ka taagneyd, iyadoo Donald Trump uu diidaanaa inuu soo bandhigo canshuurta uu bixiyey xilligaas, wuxuuna marmarsiiyo ka dhigtay inay baaris hubin ah ku socoto, wuxuu kaloo diiday sida dhaqanka Siyaasiyiinta Mareykanku ahaa inuu soo bandhigo lacagaha canshuurta ah ee uu bixiyay afartii sano ee uu xafiiska joogay.

Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa tan iyo sannadki 2019-kii baadi-goob ugu jiray, sidi ay u heli lahaayeen dukumintiyada lacagaha canshuurta ee uu bixiyay Donald Trump, waxaana Donald Trump uu bishi October ee sanadkan weydiistay Maxkamadda Sare inaysan fasixin in la arko Canshuur celintiisa, kadib markii ay fasaxday maxkmad ku taalla Gobolka New York. 

Ad

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa soo gabagabeysay dagaalka sharciyeed ee Donald Trump ugu jiray inaan la ogaan canshuurtiisa, waxayna shalaya fasaxday in warbixinnada canshuur celinta Trump lagu wareejinayo Guddiga Congress-ka ka tirsan.

Maxkamadda waxay diiday codsigii Trump ee hor istaagi lahaa Waaxda Maaliyadda inay warbixinta lix sano oo canshuur celinta Trump ah bixiso, iyadoo canshuurtaasi lagu ogaan doono Qaabka uu u maareeyo Ganacsigiisa kala duwan.

Waa jabkii labaad ee madaxweynihii hore ka soo gaara Maxkamadda Sare muddo bilooyin ah gudahood, iyo fashikii seddexaad sanadkan qabsada Donald Trump. Bishii Oktoobar, maxkamaddu waxay diiday inay gasho dagaalka sharciga ah ee ku xeeran baaritaanka FBI-da ee hantida Trump ee Gobolka Florida oo laga helay dukumentiyo sir ah.

- Advertisement -

Sidoo kale Bishii Janaayo, maxkamaddu waxay diiday inay ka joojiso kaydka qaranka inay waraaqaha u wareejiso guddiga Aqalka ee baaraya kacdoonkii 6-dii Janaayo ee Capitol. Garsoore Clarence Thomas ayaa ahayd codka kaliya ee taageeray Trump.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON