Tuesday, December 10, 2024

Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir oo Xukunno cusub ku riday Mas’uuliyiin Dowladeed

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday xukunno ay ka soo saaray mas’uuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhaxe, iyo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda .

Maxkamadda Rafcaanka oo Dacwadaan ka yeelatay 8-fadhi ayaa dib u furtay Kiiska Musuqa ee lagu soo eedeeyay Mas’uuliyiintan oo hore Maxkamadda Gobolka Banaadir ay xukunno kala duwan ku riday.

Afarta mas’uul ee Maxkamadda Rafcaanka xukubka ku riday ayaa kala ah:

Ad

1- Cumar Macallin Nuur, ku xigeenkii madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu xukumay Hal sano oo xarig ah.

2- Cabdullaahi Maxmuud Cusuble, madixii Laanta Garoonka waxaa lagu xukunay Hal Sano oo Xarrig ah.

3- Saabir Xasan Cabdinuur. madixii hubinta ee Hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Garoonka Muqdisho oo lagu xukumay 2 Sano & 6 Bilood oo Xarrig ah.

- Advertisement -

4- Aadan Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa shaqaalaha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Groonka Muqdisho, waxaa lagu waayay dhamaan eedeymihii loo jeediyay.

Mas’uuiiyiinta kale ee xukunka lagu riday waxaa ka mida:

5- Abuukar Maxamed Cali oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee Garoonka Muqdisho oo lagu xukumay 6-Sano oo Xarrig ah.

6- Maxamed Aadan Cabdullahi oo ahaa Madixii laanta Bankiga Dhexe ee Garoonka Muqdisho oo lagu xukunay Hal Sano ah.

- Advertisement -

7- iyo Cabdiqaadir Cabdi Socdaal oo ka tirsanaa shaqaalaha Bankiga Dhexe ee Laanta Garoonka Muqdisho oo lagu waayay dhamaan eedihii loo jeediyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON