Friday, December 1, 2023

Maxkamadda Milateriga oo Sheegow ku xukuntay Xabsi, bixinta Diyo iyo Magdhow

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan ku diray Sheegow Axmed Cali iyo 22 ka mida askar ilaalo u ahayd oo lagu soo qabtay dagaal ay la galeen ciidamada Amniga.

Xukunka Maxkamadda oo isugu jiray Dil toogasho, Xabsi iyo bixin Diyo ayaa u dhacay sida soo socota:

1- Sheegow Axmed Cali: hor joogaha kooxdii Ciidamada kula dagaalantay Kaawa Godey August sagaal iyo tobankeedii Sanadkan, waxaa si gaar ah fal-celintiisa ugu baxay Sakariye Maxamed Cali oo ka tirsanaa Ciidamada Amniga, waxa uu Sidoo kale dhaawacay Sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir, Sheegow Maxkamadda waxa ay ku xukuntay, Magta marxuumka uu Dilay, Magdhow siinta Dhaawaca uu gaystay iyo 10-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Ad

2- Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed): Waxa uu ahaa taliyaha kooxda Sheegow ka bar-bar dagaalamaysay, waxa uuna February Sadax iyo Tobankeedii Sanadkan ku dilay Jowhar maxkamad ku taal laba Eedeysane oo xilligaas tabasha kala dhexeysay, waxa ayna kala ahaayeen, Cabdifitaax Cabdullaahi Cali & Maxamed Ismaaciil Xasan, sidaas darteed ayaa loogu xukumay Dil-toogasha ah, waxa uu Sidoo kale qayb ka ahaa weerar ay Ciidamada Amniga kala hor tageen koox uu taliye u ahaa oo Gabaad ka helay Sheegow.

3- 18 kamid ah kooxda uu horjoogaha u ahaa Sheegow ayay Maxkamadda ku xukuntay min Lix-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo in ay bixiyaan Magta labada Marxuum Ee kala ah (Cabdi Axmed Shiiraar & Axmed Xasan Axmed), Waxaa Sidoo kale lagu xukumay bixinta xaq siinta lix Askari oo dhaawacantay.

  1. Xasan Cali Maxamuud.
  2. Saleeban Ahmed Cali Nuur (Baardees).
  3. Cabdirisaaq Aadan Cali.
  4. Axmed Cabdulle Abuukar.
  5. Xuseen Cismaan Xuseen.
  6. Maxamed Cabdulkadir Caamir.
  7. Xasan Maxamuud Cusmaan.
  8. Axmed Maxamed Cabdullahi.
  9. Abuukar Cilmi Jeelow.
  10. Axmed Abuukar Xaaji.
  11. Maxamed Cali Abuukar.
  12. Daahir Maxamed Cabdi.
  13. Cabdullahi Xasan Aweys.
  14. Saciid Cabdullahi Cabdi.
  15. Yuusuf Maxamed Aadan.
  16. Cabdiraxmaan Ibrahim Xasan.
  17. Cali Abuukar Axmed.
  18. Cabdiqaadir Maxamed Xasan.

21- Cabdiraxmaan Ibraahim Baashow (Marshaale) iyo 22. Maxamed Abuukar Cabdullahii: Labadaba waxa ay ahaayeen kuwii dhaca geystay ee uu ka bilowday Gacan ka hadalka, waxaana loo xeray sadax iyo tobankii August ee sandkan iyaga oo dhac u gaystay dhibanayaasha kala ah, Xasan Axmed Xasan & Ciise Cali Muuse, waxa ay Maxkamadda ku xukuntay Shan sano oo xabsi Ciidan ah iyo in loo celiyo Mobile-ladoodii.

- Advertisement -

23- Maxamed Cabdi Deeqow(Agaasimaha): Waxa uu ahaa maal geliyaha kooxda, waxaana laga helay xeriirka telefoon kiisa ka shaqaynta raadka la qabtay ee ahaa Daabicista Dollarka Madow, waxa ay Maxkamadda ku xukuntay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Warka xukunka maanta dhacay ayaa waxaa soo saaray Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, isagoo sheegay in Xukunsanayaasha ay haystaan fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON