Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa soo saartay qoraal ku saabsan Dacwadii Badda ee u dhaxeysay dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Qoraal ay Maxkamadda soo saartay goor dhoweyd ayey ku caddeysay inay go’aankeeda dacwadda xuduudka Badda ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ay ku dhawaaqi doonto 12-ka Oktober 2021, saacadu markey tahay 3:oo PM.
Fadhiga lagu shaacin doono go’aanka Maxkamadda ICJ ayaa xaaladda Covid-19 darteed looga dhigay mid ay ka qeyb galayaan garsoorayaasha Maxkamadda iyo dhinacyada ay quseyso dacwadda, halka martida kale iyo saxaafadda kala socon doonaan baahinta tooska ah ee Maxkamadda.
Go’aanadda Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa ah kuwo kama danbeys ah oo aan lahayn rafcaan iyo dib ugu noqosho.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAXKAMADDA

