Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ayaa ku gacan seyrtay oo diiday codsi uga yimid dalka Imaaraadka Carabta oo ku saabsan dacwad ay dowladda Qatar ka gudbisay oo maxkamadda hortaalla.
Go’aan kasoo baxay maxkamadda ICJ ayaa lagu diiday dalabkii Dowladda Imaaraadka Carabta ee ahaa in tallaabo degdeg ay maxkamadu ka qaado sidii loo qaadi lahaa ay Dowlada Qatar ku soo rogtay dadka u dhashay dalkaasi ee laga eryay Imaaraadka si ay u codsadaan inay dib ugu laabtaan Imaaraadka.
15-ka Garsoore ayaa 14 ka mida u coddeeyay in la diido codsiga Imaaraadka, waxayna tallaabadan weji gabax ku tahay Imaaraadka oo iska difaacaya dacwad ay Dowladda Qatar ka furatay Maxkamadda ICJ oo ku saabsan in Imaaraadka uu jinsi faquuq iyo xadgudubka baxsan xuquuqda Bani aadamka ku sameeyay dadka u dhashay Qatar ee ku noolaa Imaaraadka markii uu dalkiisa ka soo ereyay boqolaal ka mida.


Maxkamadda ayaa sheegtay in arrimaha ku qoran codsiga Imaaraadka ay yihiin kuwo aan hoos imaaeynin heshiiska Q/Midoobay ee ka hortagga midab kala sooca, isla markaana aan loo baahneyn tallaabo degdeg ah.
Dacwadda dowladda Qatar ee ku wajahan Imaaraadka ayaa la filayaa inuu go’aankeeda soo baxo aakhirka sanadkan ama sanadka dambe, iyadoo Imaaraadka la filayo in lagu xukumo bixinta magdhow.