Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa, mamaulka Somaliland ayaa Xabsi hal sano ah ku xukuntay weriye Bushaaro Cali Baandey oo in muddo ah ay ku xirneyd.
Xukunka xabsiga ah ee lagu riday Bushaaro ayaa ah xarig la iibsan karo, sida ay Hooyada dhashay u sheegtay Warbaahinta, iyadoo muujisay sida ay ugu faraxsantahay go’aanka maxkamaddu.
Galabta ayaa xabsiga laga sii daayey weriye Bushaaro Baanday, kadib markii xabsiga ay iibsatay; iyadoo xoriyadeeda dib u heshay, waxayna sheegtay inay ku xanuunsatay Xabsiga.
Weriye Bushaaro ayaa bishii May 2023 la xiray ayaa dhowr jeer dib loo dhigay kiiskeeda, waxaana arrintan walaac ka muujinayay weriyaasha iyo dadka u dooda xuquuda aadanaha.
Hay’adda u doodda xuquuqda weriyayaasha ee the Committee to Protect Journalist (CPJ) iyo ururro kale ayaa ayaa ku baaqday in degdeg loo sii daayo weriye Bushaaro Cali.
Haweeneydan Weriyaha ah ayaa waxa ka muuqday dhaawacyo la sheegay in la gaarsiiyay, waxaana kiiskeeda uu ka dhashay kadib warbixin ay ka sameysay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. .