Maxkamada Gobolka Galgaduud ayaa xukun xabsi ah ku riday Nin lagu helay inuu afduub iyo kufsi u geystay gabar yar oo Lix Sano jir ah.
Fadhi ay Maxkamadda ka yeelatey Kiiskan ayaa maanta la soo taagay Maxamed Cabdi Dhoore, oo lagu soo eedeeyay inuu kufsi iyo Af-duub ugu geystay Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud Farxiya Cali Maxamed oo 6 sano jir ah.
Falkan ayaa degaanka Godiblabe ka dhacay 19-kii bishan Ogost 021, waxaana la sheegay iuu gabada yar u geystay dhaawac xoog leh. Cabdixakiin Maxamed Xirsi, xeer-ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda gobalka Galgaduud ayaa Maxkamada kusoo bandhigey qiraal laga qoray eedeysanaha iyo cadaymo kale oo muujinayay sida falku u dhacay.
Maxkamada Gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqay 5-sano xabsi ah oo lagu xukunay Maxamed Cabdi Dhoore iyo inuu bixiyo Labo Halaad oo ah dhiiga Gabadha.