Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shaacisay qaabka ay u iibisay kalluun saarnaa Doomo lagu qabtay badda Soomaaliya oo si sharci darro ah uga kalluumeystay xeebaha Soomaaliya.
Kaluunkaas Waxay Maxkamaddu sheegtay inay soo dalbadeen Saddex shirkadood, loona sameysay sharuudo iyo hanaan loo marayay iibinta kalluunka, kadibna Shirkadaha kala ah Fatwo Fish iyo Sardiin Fish ay buuxin waayeen sharuudaha.
Iibka Kalluunkaasi waxaa ku guuleysatay Somali Seafood in laga iibiyo, kadib markii ay buuxisay dhammaan hannaankii loo qabtay, sida lagu sheegay Qoraalka Caawa kasoo baxay Maxkamadda G/Banaadir.
Halkii Kiilo waxaa lagu iibiyay $0.4 (10,000 Sh.So), wuxuuna kalluunka la qabtay gaarayey 24.850 tan, iyadoo lacagta kasoo baxday ay Maxkamadu sheegtay inay heyn doonto inta Dacwadda kiiskan laga soo xirayo.
Maxkamadda gobolka Banaadir waxay iibisay kalluunka laga jilaabtay xeebaha dalkeena, halka 36 eedeysane oo watay iyo Labadii Doon ee lagu qabtay ay sugayaan in ay wajahaan cadaaladda.