Monday, February 17, 2025

Maxkamadda G/Banaadir oo xukun ku riday Xoghayaha SJS Weriye Cabdalla Muumin

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqday Xukun ay ku riday xoghayaha Ururka saxafiyiinta SJS Cabdalla Axmad Muumin oo kiis dacwadeed ay kusoo oogtay Xeer ilaalinta Qaranka oo u doodeysa Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

Maxkamadda Gobolka Banadir xukun Laao Bilood oo Xabsi ah ku riday Weriye Cabdalla Axmed Muumin, Sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ku dhawaaqay in eedeysane Cabdalla Axmed Muumin oo la xiray 11 Oktoobar 2021, ay Maxkamadda ku weyday qodobadi lagu soo eedeeyay ee Xeerka Ciqaabta 219 iyo 321, balse ay ku heshay qodobka 505 oo “Dhawrid la’aanta Amarrada Maamul’ kuna xukuntay 2 Bilood oo xarig ah oo laga jarayo 11 maalmood oo uu xirnaa inta aan damaanadda lagu sii deynin.

Ad

Saalax Dabaan Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa weriye Cabdalla Axmed kala laabatay damaanadii uu bannaanka ku joogay, iyadoo xabsiga loo taxaabay weriyaha.

Xukunka ayaa waxaa ka furan rafcaan, sida uu sheegaya Gddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud, waxaana isla goobta rascan ku qaatay Xeer ilaalinta dacwadda kusoo oogtay, halka Qareenada Weriye Cabdalla Muumin ay iyaguna sheegeen inay xukunka ka qaadamnayaan rafcaan.

Dacwadan ayaa maxkamadda Gobolka Banaadir ka socotay tan iyo bishii Oktober 2021, waxaana dhageysiga loo fariistay muddo 4 jeer ah, iyadoo qareenada u doodaya weriye Cabdalla Muumin ay sheegeen in kiiska uu yahay mid lagu beegsanayo Xoghayaha SJS.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON