Waxaa xarunta Gobolka Banaadir maanta ka socda dhageysiga Dacwadda ay Xeer ilaalinta dowladda Soomaaliya kusoo oogtay xoghayaha ururka Saxafiyiinta ee SJS Weriye Cabdalla Ahmed Muumin.
Fadhiga afraad ee Maxkamadda maanta ayaa lagu soo gabagabeeyay dhageysiga dacwaddii Kiiskan, waxaana Guddoomiyaha Maxkamadda uu maanta joojiyay in si toos ah loo daawado dacwadda oo saddexdii fadhi ee hore uu fasax siiyay mid ka mida telefishannada magaalada Muqdisho.
Ma cadda waxa uu noqon doono xukunka Maxkamadda ku qaadi doonto Weriye Cabdalla Muumin oo lagu heysto shir jaraa’id oo ku saabsan inuu ka hor yimid go’aano kasoo baxaya wasiir ku xigeenka Warfaafinta, balse qareenada iyo saaxiibada Weriyaha ayaa sheegaya inay cabsi ka qabaan in kiiskan la siyaasadeeyay oo ujeedku yahay in lagu beegsado weriyaha u dooda xuquuqda saxafiyiinta.
Fadhigii maxkamadda ayaa la soo xiray iyadoo Go’aanka xukunka dib laga soo sheegi doono, sida uu yiri Guddoomiyaha maxkamadda oo aan waqti u qaban xilliga go’aanka lagu dhawaaqayo.
