Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Caalamka (ICC) ayaa maanta ah soo saartay Amar lagu soo xirayo Ra’iisul wasaaraha Yuhuudda enjamin Netanyahu iyo wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Yoav Gallant.
Amarkan oo mudo dheer la sugayay ayaa waxaa kaloo ku jira , Taliyaha milatariga ee ururka Xamaas Mohammed Deif, kadib markii la dilay madixdii siyaasadda Ismacil Hayniyah iyo
Amarka lagu soo xirayo madaxda Yuhuuda Benjamin Netanyahu iyo Mr Yoav Gallant ayaa salka ku haya dacwad ay gudbisay dowladda South Afrika, waxaan lagu soo eedeeyay dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada iyo dambiyo dagaal oo ay ku xasuuqeen kumaan Falastiiniyiin ah intii u dhaxeysay October 8 2023 illaa ugu yaraan May 20 2024.
Maxkamadda ICC ee fadhiggeedu yahay magaalada Hague ayaa Amarka xiritaanka madaxda Yuhuudda waxaa ka dalbaday Dacwad-oogaha sare ee Maxkamadda ICC Karim Khan oo bishii May dalabkiisa u diray Maxkamadda, si ay u soo saarto Barwo qabasho oo ka dhan ah Netanyahu iyo Gallant.
Wasaaradda caafimaadka Marinka Gaza ayaa maanta shaacisay in dadka Yuhuudu ku leysay Marinka Gaza ay gaaryeso 44,056 lagu dilay iyo 104,268 qof oo lagu dhaawacay.