Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa cambaareysay fal kufsi ah oo lagu soo eedeeyay ciidamo ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya oo ka dhacay degaanka Jannaale ee Gobolka Sh/Hoose.
Askarta falkan lagu soo eedeeyay ayaa waxaa arrintooda la wareegtay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo baaritaan ku bilowday kiiskan, iyadoo askarta lasoo eedeeyay lagu wareejinayo Maxkamadda si sharciga loo horkeeno.
Wasaaradda ayaa ballanqaaday ciddii denbigan lagu caddeeyo in la marsiin doono ciqaabta uu mudan yahay.
Warar Xul ah