Sunday, December 3, 2023

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Nin dhac Telefoon Mobile ah dartiis uu dilay Marxuum…

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday Nin Burcad ahaa Dil iyo dhac ka geystay degaanka Jasiira ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Abuukar Macalin Axmed Hilowle ayaa lagu helay dhac iyo dil uu kula kacay Marxuum la oran jiray Axmed Cali Nuur 19-kii March 2021, Dilkaasi oo ka dhacay deegaanka Jasiira, waxayna maxkamadu ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Axmed Cali Nuur.

Eedeysanaha ayaa Marxuumka oo u damaashaad tegay degaanka Jaseera isku dayay inuu ka dhaco Mobile uu watay, laakiin sida Maragyada sheegeen Marxuumka uu ku adkaysatay in uusan teleefoonkiisa dhiibin Maadaama uu Aaminsanaa inaan lagu dhici Karin Xeebta loo dalxiiska tego ee Jaseera, sidaasoo uu ku dilay. Eedeysanaha isku dayey inuu baxsado, isagoo kusoo riday xabado raacda reeb ah.

Ad

Ciidamada degaanka oo ku soo wareejiyay eedeysanaha Hey’adda baarista Booliska CID-da  ayaa baaritaan dheer kadib ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dabayaaqadii March.

Bilowgiii ilaa 15-kii June ee sanadkan ayaa loo kala fariistay laba fadhi oo ay dhageysiga Maxkamadda qaadatay, waxa ayna dhinacyada dacwadda ku soo bandhigeen Fadhiga Maxkamadda kaalmaha sharci ay leeyihiin.

Maxkamaddu waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qisaasta arxuum Axmed Cali Nuur sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa 30 cisho uu Rafcaan ku Qaaadan Karo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON