Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Xabsi ciidan Nin lagu soo eedeeyay inuu ka tirsanaa Alshabaab oo falal amni darro lagu soo qabtay.
Yuusuf Duqow Xuseen Dhicisow oo lagu soo eedeeyay inuu a tirsanaa ayaa lagu xukumay 15 sano ah oo xabsi ah, markii lagu helay Shabaabnimo iyo inuu qaabilsanaa arbushaada iyo Bam tuurista.
Duqow ayaa la sheegay inuu Alshabaab uga biiray degaanka Buur-Eylo ee degmada Buur-Hakaba, wuxuuna mushaar ahaan u qaadan jiray Bishii Lacag $70 ah, sida uu u sheegay Baarayaasha.
Wuxuu deganaa xaafadda Ceeltimir, degmada Dayniile, isagoo u diyaarsanaa inuu Muqdisho ka fuliyo Dilal qorsheysan iyo Qaraxyo, balse 14 May 2023 ayaa la soo qabtay isagoo Bam F1 ku tuuray Waaxda Labaad ee degmada Hodan.
Waxaa la sheegay inuu sahmin ku sameeyay baro koontarool oo ku kala yaala Shiirkole, Warshada Taraqa iyo Sigaarka, Baar Ubax, iyo kan lagu soo qabtay oo ku tuuray Bam F1 ah.
Maanta ayaa lagu xukumay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.
